Butin waxaanu diyaar u nahay in dib loo bilaabo wadahadaladii falastiin iyo israel

 

Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin Jimcihii ayaa muujiyay sida uu diyaar u yahay inuu waddanku qaato tallaabooyin lagu doonayo inuu wadahadal la galo Falastiiniyiinta Israel. War saxaafadeed ka soo baxay Kremlin ayaa lagu sheegay in Putin uu telefoon kula hadlay isaga iyo dhiggiisa Falastiiniyiinta Maxamuud Abbas. Warbixinta ayaa tilmaameysa in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda Bariga Dhexe, gaar ahaan arrimaha Falastiiniyiinta. Waxa uu intaa ku daray in Ruushku uu xaqiijiyay in ay diyaar u tahay in ay qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadda, oo ay ku jirto bilaabista wada xaajoodka Falastiin-Israel

Back to home page